HORDHAC: Germany vs Maxcio

( Russia ) 17 Juunyo 2018. Dalka difaacanaya koobka adduunka sanadkan ee Germany ayaa kulankooda furitaanka tartanka la dheeli doona xulka Maxcio.

Ma aysan dhicin tan iyo 1962-dii in dal ku guuleystay koobka adduunka uu difaacdo marka kale waxaana ugu dambeysay Brazil.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: koobka Adduunka

Waqtiga: 06:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Alireza Faghani (Iran)

Garoonka: Luzhniki Stadium

Wararka labada koox

Mesut Ozil ayaa ka kabtay dhibaato yar oo jilibkaa taa oo sababtay inuu seego kulankii u dameyay ee cayaaraha is kululeynta oo ay la dheelen Saudi Arabia.

Macalin Joachim Low ayaa go’aan ka qaari doona hadii uu Julian Draxler ama Marco Reus uu kusoo bilaabanayo dhanka bixid ee weererka.

Diyaargarowga Mexico ee tartanka xagaagan ayaa waxaa caqabad ku ah maadama ay ka dhaawacan yihiin labo daafac oo muhiim ah.

Nestor Araujo waa mid ka maqan safka lasoo xulay kadib markii uu ku guuldareystay inuu kasoo kabto dhibaato jilibka ah.

Dhanka kale Diego Reyes, ayaa dhaawac muruqaa looga saaray kooxda arbadcadii. Waxaana lagu badalay Erick Gutierrez.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Mexico ayaa mar kaliya  guul ka gaartay Germany 11 kulan oo caalami ah 5 barbaro, iyo 5 guuldaro waxayna aheyd guushooda cayaar saaxiibtinimo oo dhacday bishii June 1985.

Tani waa markii afaraad oo ay ku kulmaan koobka adduunka labadan xul. Germany ayaa ku adkaaday 6-0 heerka kowaad ee Group-ka 1978, sido kale  2-1 wareega 16 1998 iyo kulan u dhamaaday 0-0 oo ahaa wareega siddeeda 1986, ugu dambeyna Germany ayaa ku badisay 4-1 rigoorayaala.

Hogaamiyaha  Germany Joachim Low ayaa damacsan inuu noqdo macalinkii labaad ee taariikhda ku guuleysta laba mar koobka adduunka tan iyo Vittorio Pozzo oo Italy u qaaday sanadihii 1934 iyo 1938.

Germany ayaa ahaa kaalinta u sareysa ee Group-ka koobka kasta oo adduunka ah tan iyo 1990-kii  iyagoona gaarayay afar dhamaadka afartii tartan ee u dambeysay.

Waqtigii u dambeyay oo ay ku guuldareystaan in ay gool ka dhaliyaan kulanka furintaanka wuxuu ahaa 1978, cayaar ku dhamaatay 0-0 oo ay la dheelen Poland.

Ogsoonaaw Germany ayaa hal kulan kaliya badiyay kulamada saaxibtinimo ee tartanka loogu diyaar garobayay tan iyo markii ay usoo baxeen koobka adduunka waan 3 barbaro iyo 2 guuldaro ah.

Mexico ayaa gaareysay  wareega 16 mid kasta oo ka mida lixdii koob adduun ee dambe. Marka kaliya ay gareen wareega siddeeda waxay aheyd tartamadii lagu marti galiyay dhulkooda ee 1970 iyo 1986.

Tani waa markii 16-aad oo ay Mexico ka qeyb tahay koobka adduunka. Kaliya Brazil, Germany, Italy iyo Argentina ayaa kaga qeybgal badan koobka.

Sido kale waxay kamid yhiin xulalka usoo baxay tartanka ugu yaraan 14- jeer, balse Mexico waa kooxda qura ee aan weli ku guuleysan koobka adduunka.

Shaxda Macquulka ee Germany vs Maxcio.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close