Goolka Philippe Coutinho uu ka dhaliyay Switzerland rikoodh noocee ah ayuu ka sameeyay koobka aduunka?

(Moscow) 17 Juunyo 2018. Philippe Coutinho ayaa u suura gashay in uu xulkiisa qaranka Brazil u dhaliyo goolkooda ugu horeeya ee koobka aduunka 2018 kulanka ay haatan la ciyaarayaan dhigooda Switzerland.

Brazil ayaa haatan la ciyaareysa Switzerland kulankeeda ugu horeeya ee koobka aduunka, waxayna wiilasha seleção u muuqdaan kuwa kulankan guul gaari kara marka loo fiiriyo sida ay ciyaarta ugu gacan sareeyaan.

Laakiin sheekada xiisaha badan ayaa ah in goolkii uu Philippe Coutinho dhaliyay daqiiqadii 20-aad uu sameeyay rikoodh.

Rikoorada ayaa waxay xaqiijinayaan isla markaana ay soo bandhigayaan in goolka Philippe Coutinho uu u dhaliyay Brazil ay ka dhigan tahay kii 37-aad  ee meel ka baxsan xerada ganaaxa uu xulka seleção ka dhaliyo meel ka baxsan xerada ganaaxa kulamada koobka aduunka.

Brazil ayaana rikoodhkan kaga badan 11 gool xul kasta ee tartanka qeyb kasoo noqday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close