El Clásico: Real Madrid oo ku garaacday Barcelona ilaa iyo haatan gool dhalinta koobka aduunka 2018

(Moscow) 17 Juunyo 2018. Philippe Coutinho ayaa u suura gashay in uu xulkiisa qaranka Brazil u dhaliyo goolkooda ugu horeeya ee koobka aduunka 2018 kulanka ay haatan la ciyaarayaan dhigooda Switzerland.

Dhamaan taageerayaasha kubadda cagta, gaar ahaan kuwa kala taageersan kooaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa xidigahooda ah kuwa ugu caansan, waxaana sidaas lagu muujiyay wargeysyada caalamiga ah iyo warbaahinta bulshada.

Hadaba wargeyska “Globo Sport” ee dalka Brazil ayaa wuxuu toosha ku ifiyay tirakoobka goolasha ay xidigaha kooaha Real Madrid iyo Barcelona ka dhaliyeen koobka aduunka 2018, waxaana natiijada kasoo baxday ay muujisay in ciuaartoyda Los Blancos ay kaga goolal badan yihiin tartanka dhigooda Blugarana.

Xidigaha Real Madrid ayaa sanadan koobka aduunka waxay ka dhaliyeen isku darkooda 5 gool, waxayna ku heleen nasiibka Cristiano Ronaldo oo saddexley ka dhaliyay kulankii Spain, halka xidigaha Luka Modrić iyo Nacho ay kala dhaliyeen min 1 gool.

Laakiin ilaa iyo haatan ciyaartoyda kooxda Barcelona waxay koobka aduunka 2018 ka dhaliyeen 1 gool oo kaliya waxaana dhaliyay Philippe Coutinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close