Yuhuuda oo sheegatay masuuliyada gool ku laadkii uu khasaariyay Lionel Messi!!

(Moscow) 16 Juunyo 2018 Messi ayaa galabta ka khasaariyay gool ku laad xulkiisa Argentina kulan ay la ciyaarayeen xulka qaranka Iceland.

Laakiin arinka la yaabka leh ayaa ah in yuhuudu ay sheegatay masuuliyada goolkii uu khasaariyay Lionel Messi galabta.

Wasiirka difaaca yuhuud ayaa sheegay in Messi ay ku dhacday caro kadib markii uu diiday inuu ciyaaro kulankii la baajiyay ee dhex mari lahaa yuhuuda iyo Argentina.

“Rigooradii uu khasaariyay Messi waxaa sabab u ahaa baajintii uu baajiyay kulankii saaxiibtinimo ee Argentina ay la ciyaari lahayd Israel” ayuu yiri wasiirka difaaca yuhuuda.

Xulalka Argentina iyo yuhuuda ayaa ku heshiiyay kulan saaxiibtinimo inay ciyaaraan sabtigii hore kaas oo lagu ciyaari lahaa magaalada Qudus laakiin digniino loo jeediyay Messi iyo asxaabtiisa ayaa keentay in la joojiyo ciyaarta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close