Tababare Tite oo magacaabay kabtanka hogaamin doona xulka Brazil kulanka habeen dambe ee Switzerland (Ma ahan Neymar)

(Moscow) 16 Juunyo 2018 Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa magacaabay xiddiga hogaamin doona xulkiisa kulanka habeen dambe.
Brazil ayaa kulanka ugu horeeya ee Guruub E la ciyaari doonta xulka Switzerland, waxaana la magacaabay xiddiga hogaamin doona xulka ka yimid Latin America.
Tababare Tite ayaa go’aamiyay in xiddiga Real Madrid ee Marcelo uu noqdo kabtanka xulka kulanka furitaanka ee Switzerland.
BREAKING NEWS:
Real Madrid star #Marcelo will captain #Brazil in the 2018 World Cup opener vs Switzerland.#FechadoComASeleção pic.twitter.com/u1ppe7TnHs
— Seleção Brasileira (@BrazilStat) June 16, 2018
Marcelo ayaa lagu xushay khibradiisa maadaama uu yahay 30 jir isla markaana 3-mar oo xiriir ah uu la qaaday Champions League kooxdiisa Real Madrid.
Gool FM