Muxuu ka yiri goolhaayaha xulka qaranka Iceland rigoodhadii uu ka bad baadiyay Messi?

(Russia) 16 Juunyo 2018. Goolhaayaha xulka qaranka Iceland Hannes Thor Halldorsson ayaa wuxuu ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay barbarihii ay la galeen Argantina kulankii koobka aduunka ee 2018.

Argantina ayaa waxay ku hormartay gool uu u dhaliyay Sergio Aguero, kahor inta uusan xulka Iceland goolka barbaraha u dhalinin xidigooda Alfred Finnbogason.

Laakiin sheekada ugu xiisaha badan ee kulankan ayaa ah in Lionel Messi uu xulkiisa qaranka Tango ka qasaarinin gool rigoodhe ah uu ku abaal mariyay garsoorkii ciyaarta.

Hannes Thor Halldorsson ayaa kulanka kadib la wadaagay saxaafada: “Ka goolhaaye ahaan xulka xulka qaranka Iceland kulanka ugu horeeya ee koobka aduunka, waxaan kaga hor imid xidiga ugu wanaagsan aduunka”.

“Xilligan waa mid taariikhi ah oo weyn, iyo riyo weyn aan dooneyno inaan bad baadino”.

Thor Halldorsson ayaa ku guuleestay xidigii ugu fiicnaa garoonka kulankii ay wada ciyaareen xulalka Argantina iyo Iceland, xili uu ka badbaadiyay rigoodhe kabtanka xulka Tango Lionel Messi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close