Mohamed Salah oo ku soo bilaabanaya kulanka Ruushka (Muxuu u ciyaari waayay kulankii Uruguay?)

(Moscow) 16 Juunyo 2018 Xiriirka kubadda cagta dalka Masar ee EFA ayaa ka hadlay xaalada kabtan Mohamed Salah ee ka hor  kulanka Ruushka.

Laacibka ayaa saaka ka qayb qaatay tababarkii xulkiisu uu isugu diyaarinayay kulanka adag ee ay la ciyaarayaan Ruushka.

Xiriirka ayaa xaqiijiyay in Salah uu ciyaari doono kulanka labaad ee xulku uu ka soo muuqan doono koobka adduunka kadib markii uu seegay kulankii furitaanka.

Warbixinta xiriirka kubadda cagta Masar ayaa lagu sheegay in Mohamed Salah uu taam u ahaa kulankii Uruguay balse tababare Hector Cuper uu diiday inuu halis galiyo laacibka.

“Mohamed Salah diyaar ayuu u yahay kulanka xulku uu la ciyaarayo Ruushka talaadada kaas oo ah kulanka labaad ee xulku uu ciyaarayo koobka adduunka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay FA-ga dalka Masar.

“Salah diyaar ayuu u ahaa inuu ciyaaro kulankii Uruguay laakiin tababaraha ayaa diiday inuu qatar galiyo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close