Julian Draxler oo kaga digay saaxiibadiis halista kulanka Mexico

(Germany) 16 Juunyo 2018. Xidiga xulka qaranka Germany Julian Draxler ayaa wuxuu kaga digay saaxiibadiis xulka qaranka halista kaga imaan karta Mexico, kahor kulanka ay bari isku arki doonaan koobka aduunka ee 2018.

Wargeyska “Marca’ ee dalka Spain ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay Julian Draxler “Waxaan u maleenayaa in xulka qaranka Mexico uu heysto koox fiican oo aad u adag”

Laakiin Julian Draxler ayaa wuxuu sheegay in Germany uu garaaci karo xulka Mexico, iyadoo loo adeegsanayo meelaha uu xulka Jarmarlka ka xoogan yahay.

Si kastaba xulalka Jarmalka, Sweden, Mexico iyo South Korea ayaa waxay ku wada jiraan Group F ee koobka aduunka 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close