HORDHAC: France vs Australia

( Russia ) 16 Juunyo 2018. Xulka Franca ayaa wahijo doona dhigooda Australia kulankooda kowaad ee Group C cayaaraha koobka adduunka.

Horyaalkii adduunka ee 1998-dii ayaa sanadkan ku rajo weyn in tartanka uu guul kasoo hoyo xili ay kamid yihiin wadama loo saadaalin karo hanashada koobka.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 01:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha : Andrés Cunha (Uruguay)

Garoonka: Kazan Arena

Wararka labada koox

Daafaca France Djibril Sidibe waa mid taam ah kadi dhaawac jilibka uu qabay.

Kylian Mbappe iyo Ousmane Dembele ayaa la filayaa in ay kala cayaareenk seddaxda weerar hore Antoine Griezmann, iyadoona Olivier Giroud uu kusoo bilaabanayo keydka.

Macalinka Australia Bert van Marwijk ayay laga yabaa inuu ka tago kabtan xulka Mile Jedinak iyadoo uu cyaarayo qadka dhxe Massimo Luongo.

Sido kale wuxuu sameyn doonaan go’aan adaga oo uu ku xulanayo hal weerar kaliya, waxaana booskaas ku tartamada Tomi Juric, Jamie Maclaren iyo Andrew.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Australia ayaa garaacday France cayaar ku dhamaatay 1-0 oo aheyd koobka qaaradaha adduunka ee Confederations Cup sanadkii 2001 waana kulanka kaliya ay hore ugu kulmeen tartan rasmi ah.

France ayaa ku adkaaday 6-0 cayaartii u dambeysay oo ay kulmeen sanadkii 2013 iyadoo Olivier Giroud uu kulankaas ka dhaliyay labo gool.

Waxaa xusid mudan, France ayaa aheyd kaalinta sare ee group-kooda kaliya laba jeer sagaalkii koob adduun ee u dambeysay  waana 1998  iyo 2014 iyagoo heerka Group-ka ka gudbay kaliya lix mar 14 jeer oo ay kasoo muuqdeen cayaarahan adduunka.

Tan iyo guulahoodii dhamaan seddaxda kulan ee heerka – group-ka koobkii aduun ee 1998, tan iyo xiligaas waxay ay guul gareen kulmada Groupka seddax mar oo kala ah Togo, Honduras  iyo Switzerland.

Australia ayaa kasoo muuqaneysa markii shanaad koobka adduunka iyo markoodii afaraad oo ay si xariir ah u cayaaraan tartanka.

Mar kaliya oo ay gareen wareega bux baxda cayaaraha kooba adduunka waxa ay aheyd 2006  markaan waxaa koobka ka reebay guuleytayaashii waqtigaas ee Italy.

Waxay kaliya badiyeen tartankan labo kulan  iyadoo cayaaray koobka 13 dheel, labada guul waxay ka kala gareen 3-1 oo ay kaga badiyeen Japan 2006 iyo 2-1 oo ay ku gareen Serbia 2010.

Shaxda macquulkaa ee France vs Australia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close