Conte ayaa noqon lahaa tababaraha Real Madrid haddii uusan hor istaagi lahayn laacib kaan!

(Madrid) 16 Juunyo 2018 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ku jiray liiska tababareyaasha u sharaxnaa inay badalaan Zidane.

Waxaana la sheegayaa in maamulka Real Madrid ay si dhab ah ugu fikirayeen inay la wareegaan tababaraha reer talyaani.

Image result for Conte Ramos

Laakiin kabtan Sergio Ramos ayaa si toos ah uga hor yimid qorshahaas, wuxuuna sheegay in Conte uusan ku haboonayn shaqada Real Madrid sida ay baahisay Football Italia.

Ramos ayaa xiriir la sameeyay ciyaartoyda Spanishka ah ee kooxda Chelsea, wuxuuna ka waraystay falsafada tababare Conte iyo hab dhaqankiisa ku aadan dhanka ciyaartoyda, warkii ay u sheegeen ayaa sababay inuu hor istaago in loo magacaabo tababaraha Real Madrid.

Maamulka iyo Ramos ayaa markii dambe isku af gartay in kooxda loo dhiibo Julen Lopetegui oo haatan ah tababaraha Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close