Barcelona oo dareenkeeda u jeedisay saxiixa Pjanić, kadib marka ay ku guuldareesatay Griezmann

(Barcelona) 16 Juunyo 2018. Barcelona ayaa isha ku heysa saxiixa khadka dhexe kooxda Juventus Miralem Pjanić, kaasoo ay dooneyso inay qeyb kaga dhigto qorshaheeda khadka dhexe xili ciyaareedka soo adan.

Wargeyska Mundo Deportivo aya sheegay in madaxda Barcelona ay doonayaan in laacibka reer Bosnia ay ka dhigtaan badalka Andres Iniesta. Oo kooxda ka dhaqaaqay dhamaadka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Blugarana ayaa ku guuldareesatay raacdadii ay ugu jirtay saxiixa weeraryahanka kooxda Atlético Madrid Antoine Griezmann, kaasoo go’aansaday inuu iska sii joogo kooxda xili ciyaareedka soo aadan.

Miralem Pjanić ayaa dhankiisa la fahansan yahay inuu doonayo ka garab ciyaarista Lionel Messi waxayna Barcelona dooneysaa in ay arintan kaga faa’ideysato si ay u keento garoonka Cump Nou.

Sidoo kale Barcelona ayaa waxay raacdo xoogan ugu jirto saxiixa da’ayarka khadka dhexe kooxda Ajex Frenkie de Jong, laakiin ayaa dooneysa in Pjanić ay ku xaliso khadkeeda dhexe kadib bixitaankii Andrés Iniesta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close