HORDHAC: Portugal vs Spain

( Russia) 15 Juunyo 2018. Cayaar adag ayay caawa isaga hor imaan doonaan xulalka Group B kamida ee Portugal iyo Spain.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 09:00 pm Saacada geeska Africa

Garosooraha: Gianluca Rocchi ( Italy )

Garoonka:Fisht Olympic Stadium

Wararka labada koox

Portugal ayaa la warinayaa in aysan jirin wax dhaawac kulanka ay la cayaarayan Spain laakiin su’aasha ayaa ah masii wadan doonaan shaxda safkooda koowaad.

Jose Fonte iyo Bruno Alves ayaa ku tartamaya midi kula biiri lahaa daafaca dhexe Pepe, halka Andre Silva ama Goncalo Guedes uu weerarka ku wehlin doono Cristiano Ronaldo.

Daniel Carvajal ayaa kusoo laabtay tababarka xulka Spain talaadadii isagoo qaba dhaawac muruqa ah laakiin waxa ku jira shaki.

Alvaro Odriozola wuxuu noqon doonaan mid cayaara dhanka midi gee daafaca hadii Carvajal uu seego dheeshan.

Xaqiiqooyinka Cayaarta

Fool ka Fool

Spain iyo Portugal ayaa kulmay 35 jeer. Spain ayaa badiyay 16 kulan Portugal 6 kulan halka ay barbaro galeen 13 cayaar.

Mar kaliya oo ay ku kulmeen koobka adduunka waa sanadkii 2010, markaana Spain ayaa ku adkaatay 1-0 cayaar ka tirsaneed wareega 16.

Safafka labada dhinac ayaa ku guuleystay 43 bilada Champions League Spain oo  34, Portugal oo sagaal mara.

Portugal ayaa isku dayaya in ay noqdaan dalkii afaraad ee ku guuleysta koobka adduunka isagoo heysta koobka qaramada qarada yurub. Kadib West Germany oo 1972 ku guuleystay koobka Euro, sido kale 1974 qaaday koobka adduunka, France oo koobka adduunka ku guuleystay 1998, sido kalana noqday koobkii Euro 2000 iyo Spain oo qaaday Euro 2008, iyo koobka adduunka 2010.

Spain ayaa guuldareysan kulamada isreeb-reeb koobka adduunka tan iyo sanadkii 1993, laakiin waxay guuldareysteen seddax kamida lixdii kulan ee u dambeysan heerka Group-ka.

Lix kamida safkii ku guulesytay koobkii adduunka 2010 ayaa kamida xulka hadda waana – David Silva, Sergio Ramos, Andres Iniesta, Pepe Reina, Sergio Busquets  iyo Gerard Pique.

Shaxda Macquulka Portugal vs Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close