HORDHAC: Morocco vs Iran

( Russia ) 15 Juunyo 2018. Xulalka Morocco iyo Iran ayaa fooda is dari doona cayaartooda koowaad ee koobka adduunka waxayna qeyb ka yihiin Group B

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka adduunka

Waqtiga: 06:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Cüneyt Çakır (Turkey)

Garoonka: Krestovsky Stadium

Wararka labada koox

Morocco iyo Iran ayaa markii u horeysay ku kulmaya koobka adduunka cayaarta ka dhici doonta magaalada St Petersburg.

Morocco ayaa rajeynaya inuu taam noqdo daafacooda midi gee Nabil Dirar kadib markii uu seegay labadii kulan ee saaxiibtinimo oo ay la dheelen Slovakia  iyo Estonia sababo dhaawac kubkaa.

Iran waxaa ganaax kaga maqnaan doona burburiyahooda dhexe ee Saeid Ezatolahi.

Waxaa jira xiddigo shaki kuu ku jiro waxaa qeyb ka ah weeraryahanka Mehdi Taremi iyo laacibkii hore ee Fulham iyo Nottingham Forest Askhan Dejagah.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Morocco iyo Iran ayaa marnaba ku kulmin koobka adduuka. Xaqiiqdii, waxay is wajaheen hal cayaar hore oo ku dhamaatay barbaro.

Morocco ayaa usoo baxday markii shanaad koobka adduunka tan iyo sanadkii 1998. Marnabana kama aysan gubdin wareega 16 (1986), waxayna ku hareen heerka Groupa seddax kamida afartii hore ay kasoo qeyb galeen koobka adduuka.

Iran ayaa kusoo baxday koobka adduunka markii labaad oo xariir ah. Yeelkeede marnada ma aysan gaarin wareega Bux baxda, waxay guuleysteen hal cayaar 12 kulan oo ay dheeleen tartanka seddax barbaro siddeed kulanka waa laga adkaatay – halka guul oo ay koobka adduunka ka gareen waxa ay gareen USA  21 June 1998 cayaar ku dhamaatay 2-1.

Shaxda Macquulka ee Moroco vs Iran.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close