HORDHAC: Egypt vs Uruguay

( Russia ) 15 Juunyo 2018. Kulan xiiso leh ayaa dhexmari doona xulalka qeybta ka ah Group A ee Egypt iyo Uruguay.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: koobka adduunka

Waqtiga: 03:00pm Saacda Geeska Africa

Garsooraha: Bjorn Kuipers (Netherlands )

Garoonka: Central Stadium

Wararka labada koox

Weeraryahanka Egypt Mohamed Salah ayaa 100% (Boqolkiiba boqol) la cadeyay inuu cayaarayo kulanka furitaanka ay Uruguay kula cayaari doonaan Yekaterinburg, sida uu sheegay tababaraha Hector Cuper.

Salah oo 25 jira ayaa cayaarin tan iyo markii uu ka dhaawacmay garabka kulankii finaalka Champions League ay kooxiidsa Liverpool guuldarada kala kulankantay Real Madrid 26 May.

Daafaca Ali Gabr ayaa sido kale laga yabaa inuu taam noqdo kadib markii uu nabar kaga soo baxay wajigiisa tababarkii xulka.

Dhnanka Uruguay,ayaa la filayaa in ay qadkooda dhexe u magacabaan da’yar waxaan kamida 20 jirka Rodrigo Bentancur iyo Nahitan Nandez oo isna jira 22 sano.

Laakiin waxay ku fanayaan laacibiintooda qibrada u leh dhanka weerarka ee Luis Suarez iyo Edinson Cavani.

Xaqiiqooyinka cayaarta          

Fool ka Fool

Uruguay ayaa garaacday marka kaliya oo ay kulmeen Egypt waana cayaar ku dhamaatay 2-0 oo ka dhacday magaalada Alexandria bishii August 2006.

Dhanka kale Uruguayans waa guuldaro la’aan kulamada ay wajahday wadamada Africa cayaaraha koobka adduunka waana mar barbaro iyo 2 guula, hala tani ay u noqoneyso Egypt markii u horeysay oo ay kala kulmaan koox kasoo jeeda koonfur American tartankan.

Egypt marnaba ma adkaan cayaar koobka adduunka ah 2 waa barbaro, 2 waa guuldaro.

Xulka Faraaciinta lagu naaneyso waa markii u horeysay oo ay cayaarayaanka koobka adduunka tan iyo sanadkii 1990 waana taariikhda markii seddaxaad oo ay kasoo muuqdan tartankan. Waxayna ku guuldareysteen 1-0 cayaartoodii u dambeysan ee tartanka adduunka oo ay la dheleen England.

Goolhayaha ahna kabtanka xulka Essam El Hadary ayaa laga yabaa inuu noqdo ninkii u da’da weyna koobka adduunka taariikhda wuxuuna jiraa 45 sano iyo 151 maalin.

Xulka labada jeer noqnday horyaalka adduunka ee Uruguay ayaa mar kaliya ka gudbay wareega 16 lixdii tartankan ee u dambeysay, waana markii ay kaalinta afaraad galeen koobkii adduunka 2010.

Tani waa markii afaraad uu koobk adduunka ku hogaaminyo Oscar Tabarez xulka Uruguay (1990, 2010, 2014 and 2018), wuxuuna taa kaga daban yahay macalin kasta oo sanadkan ka qeyb galaya koobka adduunka.

Luis Suarez ayaa heysta Rikoodh wuxuu dhaliyay shan gool isagoona caawiyay laba gool siddeed kulan uu kasoo muuqaday koobka adduunka.

Shaxda Macquulka ah ee Egypt vs Uruguay

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close