Tababaraha Cusub ee Arsenal oo KAR KAR ku bilaabanaya Premier League xilli ciyaareedka cusub…(Arag kulamada la isku daba dhiga)

(London) 14 Juunyo 2018. Waxaa la soo saaray isku aadka Premier League ee kal ciyaareedka soo socda iyadoo uu macallinka Cusub ee Arsenal Unai Emery uu ku bilaaban doono kar kar iyo kuleel.

Emery ayaa 22-sano kaddib xilka ka badelay Arsene Wenger balse bilow qarow ah ayuu horyaalka Ingiriiska ku soo dhaweeyay.

Wuxuu kulankiisa ugu horreeya la ciyaari doonaa kooxda xafidaneysa Premier League ee Manchester City oo si xun u rafaadisay Gunners kal ciyaareedkii tagay.

Waxaa ugu xigi doona kulamada Derby London, Chelsea iyo West Ham.

Ciyaarta koowaad kooxda Emery waxay mininkooda ku marti galin doonaan wiilasha Pep Guardiola 11-ka Agoosto, usbuuc kaddib waxay u safri doonaan Blues halka ay 25-ka Agoosto Emirates kula ciyaari doonaan West Ham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close