RASMI: Barcelona oo dib kaga soo ceshatay kooxda Nice xidigeeda Marlon Santos

(Barcelona) 14 Juunyo 2018. Kooxda Nice ayaa ku dhawaaqday in Barcelona ay dib kaga ceshatay xidigeeda Marlon Santos oo hal xili ciyaareed cajiib ah la qaatay, taasoo ka dhigan in xili ciyaareedka cusub uu markale dib u xiran doono maaliyada kooxda Barca.

Barcelon ayaa ugu dirtay Marlon Santos heshiis laba xili ciyaareed amaah ah kooxda reer France ee Nice, iyadoo heshiiska uu qeyb ka ahaa in  sidoo kale kooxda reer France ay ku iibsan kartay aduun dhan 25 milyan euro hadii uu qanciyo adeega laacibkan.

Laakiin Barca ayaa sidoo kale xaq u leh inay dib u soo ceshato ciyaaryahanka ka dib xilli ciyaareed cajiib ah uu la qaatay kooxda reer france, laakiin maanta ayaa heshiiskaas labada dhinac ay ku heshiiyeen in la kansalo maadaama uu ahaa heshiiska laba xili ciyaareed.

Kooxda Nice ayaa war rasmi ah ay arintan  kasoo saartay waxay ku shaacisay barteeda Twitter-ka “Si rasmi ah Marlon Santos ayaa dib ugu laabtay kooxdiisa Barcelona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close