“Uma maleynayo in Florentino Perez uu heysto lambar taleefankeyga”….David de Gea

(Man United) 13 Juunyo 2018. David de Gea ayaa sheegay in madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uusan heysan lambarkiisa teleefoonka, xili lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqi doono Santiago Bernabéu.

De Gea ayaa u sheegay radio Cadena COPE “Ila ma ahan in madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu heysto lambarka taleefankeyga”.

“Ma garanayo in ku biiristeyda Real Madrid ay ii fiican tahay iyo inkale, waxa kaliya aan ka war qabo ayaa ah in aan ku faraxsanahay joogitaanka kooxda Manchester United”.

“Ma aqaano hadii aan noqon doono goolhaayaha Real Madrid, balse waxaan ku faraxsanahay  Manchester United, waxa ugu muhiimsan aan doonayo ayaa ah inaan ku guuleysto koobab”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close