Real Madrid oo Habeen Dambe Saxaafadda u soo bandhigi doonta Tababaraheeda Cusub balse waa haddii……

(Madrid) 13 Juunyo 2018. Real Madrid ayaa dooneysa in habeen dambe ay soo bandhigto tababaraheeda Cusub ee Julen Lopetegui.

Los Blancos ayaa u jeedkeedu yahay inay wax kasta Rasmi ka dhigto sida ugu dhow ee ugu dhaqsiyaha badan, inkastoo ay ixtiraami doonto go’aan kasta uu sameyn doono 51-jirka ee ku saabsan soo bandhigistiisa.

Markii ay Camaaliqada Spain talaadadii ku dhawaaqday magacaabisteeda Lopetegui waxaa xigtay in arbacadii laga xayuubiyay xilka xulka Spain.

Kaddib markii uu ka soo duulay Krasnodar uuna yimid Moscow, macallinkii hore ee FC Porto ayaa Subaxa Khamiista ka soo degi doona Madrid.

Haddii uu Lopetegui aqbalaad siiyo saraakiisha Real Madrid, soo bandhigistiisa ayaa ka dhici doonta Estadio Santiago Bernabeu isla berito marka ay saacada tilmaameyso 19:00 CET.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close