RASMI: Atletico oo heshiis cusub ka saxiixday xiddigii diirada u saarnaa Real Madrid ee Jose Gimenez

(Madrid) 13 Juunyo 2018 Atletico Madrid ayaa heshiis cusub ku abaal marisay daafaceeda Jose Gimenez kaas oo diirada u saarnaa Real Madrid.

23 jirkaan reer Uruguay ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa Atletico Madrid heshiis gaaraya ilaa 2023, waana mid kamid ah xiddigaha laf dhabarka u ah kooxda tababare Simeone.

Atletico Madrid ayaa kor u qaaday qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Jose Gimenez kaas oo horay u ahaa 65 milyan oo euro, waxayna haatan ka dhigtay 120 milyan oo euro.

“Waan ku faraxsanahay inaan saxiixo heshiis cusub, waan qadarinayaa Atletico Madrid, tan iyo markii aan imid kooxdaan waxaan sameeyay horumar wayn, waxaanan ku guulaysanay koobab badan” ayuu yiri Jose Gimenez.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close