Halyayga reer Brazil Ronaldo: “Cristiano waa ciyaaryahan qaas ah laakiin Lionel Messi…”

(Europe) 13 Juunyo 2018. Halyayga xulka qaranka Brazil iyo sidoo kale kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Inter Milan Ronaldo ayaa u arka in Cristiano Ronaldo uu yahay ciyaaryahan qaas ah, laakiin Messi uu mucjiso badan kusoo kordhiyay kubada cagta.

Dhaliyihii hore xulka Brazil ayaa kahor maalin bilawaashada koobka aduunka 2018 wuxuu ka hadlay xidigaha ugu fiican kubada cagta aduunka ee Messi iyo Ronaldo.

“Ronaldo waxa uu heystaa qaab ciyaareed cajiib ah marka loo fiiriyo inuu leeyahay maskax guuleed, runtii waa ciyaar yahan aad u wanaagsan”.

“Laakiin waa in sidoo kale aanan qiranin in Lionel Messi uu kubada cagta kusoo kordhiyay mucjisooyin fara badan, sababa la xiriira qaab ciyaareedkiisa iyo qaabka uu ugu gambinayo xidigaha kasoo hor jeeda”.

“Cristiano Ronaldo waa xidig qaab ciyaareedkiisa uu aad u wanaagsan yahay, wuxuu ka ciyaari karaa boosas kala duwan, wali wuxuu bixinayaa qaab ciyaareed wanaagsan inkastoo da’adiisu tahay 33 jir”.

“Dhacdooyinka ugu fiican ee Cristiano Ronaldo ayaa ah inuu kasoo dhaqaaqay kooxda Manchester United si uu ugu biiro Real Madrid, wuxuu ahaa gooldhaliye weyn waayihiisa United ka, laakiin Madrid wuxuu noqday ciyaaryahan buuxa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close