Arsenal oo ku dhaw goolhaye cajiib ah (Culays soo wajahay Petr Cech)

(London) 13 Juunyo 2018 Arsenal ayaa wadahadalo hormar leh ku la jirta kooxda Bayer Leverkusen ee horyaalka Jarmalka si ay u hesho goolhaye Bernd Leno.

Wargayska Bild ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in wadahadalada Arsenal iyo Bayer Leverkusen ay yihiin kuwo ku socda si xowli ah.

Heshiiska goolhaye Bernd Leno ayaa loo badinayaa in lagu dhameeyo lacag dhan 20 ilaa 25 milyan oo euro oo ah qiimaha ay ku doonayso kooxdiisa.

Arsenal ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo saxiixa goolhaye Bernd Leno oo ah dooqa tababare Unai Emery maalmaha soo socda.

Warbixinta Bild Sport ayaa lagu sheegay in goolhaye Bernd Leno uu booska kala bixi doono Petr Cech oo 36 jir ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close