Arsenal iyo Sampdoria oo ka heshiiyay saxiixa Lucas Torreira iyo faah faahinta heshiiska uu ugu wareegayo Gunners

(London) 13 Juunyo 2018 Arsenal ayaa sida muuqata gacanta ku soo dhigtay kubadd burburiyaha kooxda Sampdoria iyo xulka Uruguay ee Lucas Torreira.

Sky Italia ayaa daaha ka qaaday in labada kooxood ay isla meel dhigeen lacag dhan 30 milyan oo euro si Lucas Torreira uu ugu dhaqaaqo Emirates wixii ka danbeeya koobka adduunka.

Madaxwaynaha kooxda Sampdoria ayaa xaqiijiyay in Lucas Torreira uu ku biirayo kooxda Arsenal kadib markii ay miiska soo saartay lacag ka badan tii ay la timid Napoli oo dhankeeda doonaysay xiddigaan 22 jirka ah.

Lucas Torreira ayaa qalinka ugu duugaya kooxda Arsenal heshiis 5-sano ah oo sanadkii uu mushaar ahaan u heli doono lacag dhan 3 milyan oo euro oo saafi ah.

Wakiilka Lucas Torreira oo markii hore hor taagnaa saxiixa laacibka ayaa haatan raali ka ah dalabka Arsenal iyo in laacibku uu xirto funaanada Gunners.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close