Alisson Becker oo si weyn u amaanay Neymar Jr kahor koobka aduunka 2018

(Brazil) 13 Juunyo 2018. Alisson Becker ayaa tilmaamay in xidiga ugu muhiimsan xulka qaranka Brazil uu yahay Neymar Jr. kahor inta usan bilaawan koobka aduunka 2018. Bari oo khimiis ah

Xiidga kooxda PSG ayaa wuxuu dhawaan kasoo laabtay dhaawac kasoo gaaray dhanka canqowga, taasoo cid kasta shaki galisay in uu seegi karo koobka aduunka, kahor inta uusan dib ugu soo laaban tababarka.

Laakiin goolhaayaha kooxda Roma iyo xulka qaranka Brazil ayaa wuxuu si cad u sheegay sida uu Neymar Jr muhiim ugu yahay xulka Brazil kulamada koobka aduunka.

“Nasiib wanaageena Neymar Jr ayaa ku guuleestay in si wanaagsan ee saxan uu ula fal galo dhaawacii uu qabay, wuxuun kaga soo kabtay si dhaqsi ah”.

“Neymar wuxuu ku guuleystay inuu ka takhaluso cabsidii uu qabay si uu ula qabsado koobka aduunka”.

“Wuxuu ku soo bandhigay kulankii Croatia qaab ciyaareed  fiican, haatan waxaan xiiseeneynaa bilaabashada Koobka Aduunka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close