Roberto Martinez oo ka hadlay dhaawaca Eden Hazard

(Moscow) 12 Juunyo 2018 Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martinez ayaa ka hadlay dhaawicii xalay soo gaaray laacibkiisa Eden Hazard.

Xiddiga kooxda Chelsea ayaa xanuun dartiis looga saaray kulan xulkiisu uu xalay 4-1 uga adkaatay xulka qaranka Costa Rica.

Image result for Roberto Martinez Hazard

70-daqiiqo ayaa laga saaray garoonka, laakiin tababare Roberto Martinez ayaa hoos u dhigay qatarta dhaawaca uu qabo Hazard.

“Eden waa uu fiican yahay, dhibaato yar ayaa soo gaartay laakiin ma ahan wax laga walwalo, dhab ahaan waan ku raaxaystay qaab ciyaareedkiisa, wuxuu ahaa mid xoogan oo cajiib ah” ayuu yiri Roberto Martinez.

“Ugu danbayntii garoonka ayuu ka baxay kadib jug ka soo gaartay lugta”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close