RASMI: Real Madrid oo ku dhawaaqday badalka Zinedine Zidane ee kooxda Real Madrid

(Real Madrid) 12 Juunyo 2018. Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday macalinka xulka qaranka Spain Julen Lopetegui inuu yahay badalka Zinedine Zidane ee kooxda Los Blancos.

Maamulka kooxda Los Blancos war rasmi ah ay ku daabaceen website-kooda rasmiga ah waxay ku shaaciyeen in Julen Lopetegui uu yahay macalinka cusub ee Real Madrd, kadib koobka aduunka ee 2018.

saraakiisha Lo Blancos ayaa waxay la gaareen Julen Lopetegui heshiis saddex sano ah uu ku maamuli doono garoonka Santiago Bernabeu.

Waxaa xusid mudan in Julen Lopetegui  uu soo xirnaa maaliyada kooxda Real Madrid inta u dhaxeesay 1985 ilaa iyo 1991.

Real Madrid ayaa soo gaba gabeesay jahwareerka ka heestay macalin la’aanta ay soo ahayd mudo laba isbuuc ee lasoo dhaafay, kadib markii uu si layaab leh kooxda kaga dhaqaaqay Zinedine Zidane.

“Real Madrid waxay si rasmi ah u shaacineysaa in ay ku faraxsan tahay in Julen Lopetegui uu noqonayo macalinka cusub ee kooxda kadib koobka aduunka 2018, mudada saddexda sano ee soo socota”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close