RASMI: Arsenal oo heshiis cusub ku abaal marisay Ainsley Maitland-Niles iyo lambar cusub oo loo xiray

(London) 12 Juunyo 2018 Arsenal ayaa goor dhaw shaacisay inay heshiis cusub ka saxiixday da’yarka dhanka daafaca ee Ainsley Maitland-Niles.

Kooxdu ma shaacin tiro ahaan inta sano ee uu saxiixay, balse waxaa la xaqiijiyay in Ainsley Maitland-Niles uu qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah.

20 jirkaan reer ingiriis ayaa ka soo muuqday safka hore ee Arsenal 28 kulan xiliciyaareedkii dhamaaday, wuxuuna soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Arsenal ayaa intaa ku dartay in Ainsley Maitland-Niles uu kooxda u xiran doono lambar “15” xiliciyaareedka cusub.

Waxaa la fahansan yahay in tababare Unai Emery uu si wayn u la dhacsan yahay da’yarkaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close