Modric oo u jawaab celiyay Messi: “Waxaan diyaar u ahay inaan ku badasho koobabkii aan kusoo guuleestay kaliya koobka aduunka”

(World Cup) 12 Juunyo 2018. Weeraryahanka xulka qaranka Croatia Luka Modric ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu isku tuuro koobabkii uu kula soo guuleestay kooxda Real Madrid, si uu ugu guuleysto koobka aduunka 2018.

Messi ayaa wuxuu horey u sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku badasho dhamaan koobabkii uu kula guuleestay kooxda Barcelona kaliya si uu u helo koobka aduunka, Modric ayaa isna ra’ayi la mid ah qaba.

“Hadii aan awoodi lahaa sidoo kale waan sameyn lahaa, xulka qaranka xili kasta waa muhiimadeyda koowaad, waxaan u sameyn doonaa wax walba si aan kaga laabano Russia natiijo fiican”.

“Group-ka afaraad waa mid aad u adag, sababa la xiriira inay ku jiraan xulal waaweyn ee aad u adag, sida Argantina, laakiin sidoo kale waxaan heysanaa koox fiican, waxaana wanaagsan inaan nasiib fiican u yeelano”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close