Gareth Southgate oo ku dhawaaqay in Marcus Rashford uu dhaawac ku soo gaaray tababarka xulka qaranka England

(England) 12 Juunyo 2018.Macalinka xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa wuxuu ku dhawaaqay in weeraryahanka kooxda Manchester United Marcus Rashford uu dhaawac kusoo gaaray tababarka shalay ee xulka qaranka England.

Gareth Southgate ayaa wuxuu sheegay in 20 jirkan uu si xun ugu dhaawacmay tababarka shalay, isla markaana awoodi waayay inuu sii wato tababarka ugu dambeeyay xulka kahor inta uusan u safrin Russia.

Southgate ayaa sheegay in Rushford uu mari doono tijaabooyin caafimaad ee lagu qiimeenayo heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa, kahor 48 sacadood inta uusan bilaawan koobka aduunka 2018.

Isku aadka la sameeyay ee koobka aduunka 2018 ayaa waxay xulka qaranka England ku beegmeen Group G ay kula jiraan Tunisia, Belgium iyo Panama.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close