DEG DEG: Antoine Griezmann oo qabtay shirkii la filayay iyo go’aan lama filaan ah oo uu ka sheegay goobta

(Moscow) 12 Juunyo 2018 Weerar yahanka reer France ayaa goor dhaw soo gaaray xaruntii lagu qabanayay shirka jaraa’id ee xulka France.

Waxaa horay loo sii shaaciyay in Antoine Griezmann uu si rasmi ah u shaacin doono go’aankiisa ku aadan inuu ku biirayo Barcelona ama inuu sii joogayo Atletico Madrid.

Laakiin Laacibka ay saxaafada la horyimid war kaas ka duwan, wuxuuna sheegay in maanta uusan ka hadlayn mustaqbalkiisa isla markaana uusan go’aan ka gaarayn.

Antoine Griezmann ayaa ku bilaabay hadalkiisa:

“Waan ka xumahay, kama hadlayo mustaqbalkeyga, go’aankeyga ma shaacinayo maanta”.

“Waan ogahay in badankiin aad filaysaan go’aan keyga, laakiin maanta ma ahan maalintii aan shaacin lahaa mustaqbalkeyga”.

“Waxaan xooga saarayaa kaliya koobka adduunka, arinkaas ayaa haatan muhiim ii ah”.

“Waan qaatay go’aan keyga, laakiin maanta ma sheegayo”.

Madaxa xiriirka saxaafada ee xiriirka kubadda cagta France ayaa u sheegay saxafiyiintii joogay goobta inaysan isku daalin waydiinta mustaqbalkiisa maadaama ajandaha laacibku uusan qayb ka ahayn inuu ka jawaabo su’aalaha la xiriira mustaqbalkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close