Arturo Vidal oo si layaab leh shaaca kaga qaaday kooxda uu doonayo inuu u dhaqaaqo

(Bayern ) 12 Juunyo 2018. Xidiga khadka dhexe kooxda Bayern Munich Arturo Vidal ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu doonayo ku biirista kooxda  reer Brazil ee Flamengo.

Arturo Vidal ayaa lala xiriirinayay xiliyadii lasoo dhaafay inuu dib ugu laaban doono horyaalka Serie A, kadib markii uu horey u soo xirtay maaliyada kooxda Juventus.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd kadib markii si xoogan lala xiriiriyay in 31 jirkan uu dib ugu laaban doono horyaalka dalka talayaaniga, xili heshiiska uu ku joogo Bayern Munich uu kaga harsan yahay kaliya mudo dhan hal xili ciyaareed.

Laakiin Vidal ayaa yiri ayaa si layaab leh u sheegay: “Waan jeclahay Flamengo, waxaan si xoogan ugu dhowahay Renato Augusto”.

“Renato Augusto Waa saaxiib aad u fiican, waxay ii ahaan lahayd wax fiican hadii ay xiriir ila soo sameyn lahaayeen”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close