Zidane oo markii ugu horeesay la hadlay saxaafada tan iyo markii uu ka tagay kooxda Real Madrid

(France) 11 Juunyo 2018. Macalinkii hore kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa markii ugu horeesay la hadlay saxaafada tan iyo markii uu ka dhaqaaqay garoonka Santiago Bernabeu.

Zinedine Zidane ayaa wareysi uu siiyay Radio “Monte Carlo” ee dalka France wuxuu kaga hadlay in xulkiisa qaranka uu koobka aduunka gaari doono meel fog koobka aduunka ee 2018.

“Waxba igama galin kulaamada isdiyaarinta, xulka qaranka France wuxuu awoodaa inuu ka gaari doono meel fog koobka aduunka 2018”.

Zidane ayaa sidoo kale ka hadlay qorshihiisa xili ciyaareedka soo aadan “Hada waxaan ku jiraa nasiino, ma garanayo waxa aan sameyn doono, waxyaabaha muhiimka ah waa inaan go’aansaday inaan baxo, waxaana arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka”.

Kani waa hadalkiisii ugu horeeyay ee Zidane mudada labadii todobaad ee ugu danbeysay ka dib markii uu iska casilay shaqada kooxda Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close