“Waxay ii tahay sharaf in la ii sharaxo shaqada tababarka ee kooxda Real Madrid”… Fabio Cannavaro

(Real Madrid) 11 Juunyo 2018. Xidigii hore kooxda Real Madrid Fabio Cannavaro ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay inuu u sharaxan yahay bedelka xiddiga reer France Zinedine Zidane.

Fabio Cannavaro ayaa wareysi uu bixiyay waxaa soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee gobolka Catalonia, taasoo uu ku sheegay in ay farxad u tahay inuu noqdo musharax shaqada tababarka kooxda Real Madrid.

“Mashruuca cusub ee Real Madrid wuxuu u baahan yahay sabir badan, dib u dhiska waa in la sameeyaa, jamaahiirta waa inay ogaadaan in mashruuca uu ka duwanaan doono sidii hore”.

“Ma ahan wax fudud in la noqdo badalka Zidane, waxaa xaqiiqo ah in ay qof walba ay layaab ku noqotay is casilaadiisa, lakiin waxaan qabaa inuu go’aanka saxda ah sameeyey”.

Dhinaca kale Fabio Cannavaro ayaa wuxuu difaacay saaxiibkiisii hore ee Real Madrid Sergio Ramos “Uma maleenayo in uu si ula kac ah u dhaawacay Mohamed Salah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close