Tababaraha Cusub ee PSG oo bartilmaameedsanaya Kante

(Paris) 11 Juunyo 2018. Tababaraha Cusub ee PSG Thomas Tuchel ayaa bartilmaameed ka dhiganaya madaalaha Chelsea ee N’Golo Kante.

Xiddiga reer Frace ee Liecester City ku hogaamiyay horyaalkii taariikhiga ahaa 2016, ka hor inta uusan mid kale kula guuleysan Chelsea 12-kaddib ayaa bisha December badeli doona wakiiladiisa, sidaa darteed waa qasab in xagaagan la soo afjaro heshiiska haddii uuba dhacayo sida uu sheegayo warsidaha Paris United ee ka soo baxa Faransiiska.

Real Madrid aya sidoo kale la sheegayaa inay isha ku heyso Kante maadaama ay dooneyso inay tartan galiso Casemiro.

Natiijada sawirka Kante Real Madrid

Wakiilka laacibkii hore ee Leicester City Karim Douis ayaa la sheegay in usbuucyadii la soo dhaafay uu London kula kulmay agaasimaha ciyaaraha ee PSG Antero Henrique.

Kante ayaa sanadkii uu Chelsea la qaaday Premier League 2016-17 loo magacaabay laacibka sanadka ee PFA iyo FWA kaddib markii uu kooxda keenay Antonio Conte oo iminka cago badan ku taagneyn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close