Manchester United oo isku diyaarineysa inay Qiimo Qaali ah ku soo qaadato Mbappe

(Europe) 11 Juunyo 2018. Manchhester United ayaa waxaa hunguri ka soo galay da’yarka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ee xagaagii dhawaa uun ku biiray kooxda PSG Kylian Mbappe.

Kooxda Jose Mourinho ayaa isku diyaarineysa inay lacago qaali ah ugu dhaqaaqdo da’yarka reer France sida uu warinayo Don Balon.

Wararka ayaa sheegay in PSG ay ku rajo wayn tahay inay iibiyaan Mbappe si ay Neymar ugu qanciyaan inuu sii joogo waxayna ka fikirayaan dalab 270 milyan oo euro oo kaga yimaada dhanka Red Devils.

Lacagahaas ayaa hoos ugu soo dhici kara ilaa 190 milyan oo euro maadaama ay suuro gal tahay in Man United ay Heshiiska Mbappe u isticmaasho Anthony Martial.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close