Isco oo shaaca ka qaaday go’aankiisa kaga aadan ka tagista Cristiano Ronaldo ee kooxda Real Madrid

(Real Madrid) 11 Juunyo 2018. Xidiga khadka dhexe ee kooxd Real Madrid Francisco Isco ayaa wuxuu xaqiijiyay in mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee garoonka Santiago Bernabeu ay ku jiraan labadiisa gacmood, kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan inuu doonayo inuu ka dhaqaaqo Los Blancos.

Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu shaki galiyay mustaqbalkiisa Real Madrid kadib finalkii Champions League, kadib markii uu sheegay inuusan hubin inuu kooxda sii joogi doono xili ciyaareedka soo aadan.

Laakiin Isco oo ku gudi jira diyaar garowgiisa koobka aduunka 2018 ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Real Madrid.

“Go’aanka waa mid l mid ah kii Zidane, Cristiano waa inuu go’aan ka gaaraa inuu sii joogi doono iyo hadii kale”.

“Mustaqbalkiisu wuxuu ku jiraa gacmihiisa waxaana rajeynayaa inuu nala sii joogi doono, sababtoo ah wax badan ayuu ina siinayaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close