Congres-ka  xiriirka CAF oo ka dhacay Ruush-ka iyo Masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo door wayn ka qaatay +SAWIRRO

(Moscow) 11 Juunyo 2018Shirkii sanadlaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika  ayaa ka qabsoomay Crown Plaza magaalada Moscow ee dalka Ruushka .

Congres-ka CA F  waxaa door wayn ka qaatay dalkeena  oo ay ku sugnaayeen C/qani Saciid Carab oo ah guddoomiye xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ahna xubin ka tirsan FIFA,Guddoomiye ku xigeenka SFF Mudane Cali Shiine,  iyo  Cali siciid oo ah Ku xigeenka xoghayaha xiriirka ahna macalin FIFA ee dhanka garsoorka.

Shirka ayaa waxaa guddoominayay Ahmad Ahmad oo ah guddoomiyaha CAF,waxaana goobta ku sugnaa madaxwaynaha FIFA  Gianni Infantino  oo qudbad kulahaa,.

Sida la sheegay kullanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo garabsiin lahaa Morocco oo marti gallinta koobka adduunka kula tartamaysa Waqooyiga Ameerika oo ka kooban  U.S.A, Canada iyo Mexico oo hal dhinac ah.

Sidoo kale Congress-ka  ayaa lagu soo bandhigay wax yaabihii qabsoomay iyo qorshaha soo aadan ee la doonayo in la dar dar galiyo  guud ahaan kubadda cagta Afrika.

Geesigii reer Sengal iyo kooxda Liverpool El Hadji Diouf ayaa kullan sanadeedka  qayb ka ahaa,isagoo u olaleenaya in Morocco lagu marti galiyo koobka adduunka.

Qodobadii   ka soo baxay waan idiin soo gudbin doona Inshaa’allaah

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close