Bayern Munich oo ku wajaheysa kulan saaxiibtinimo kooxda Manchester United kahor xili ciyaareedka cusub

(Bayern) 11 Juunyo 2018. Bayern Munich ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday in kulan saaxiibtinimo ay ugu diyaar garooweyso xili ciyaareedka cusub ay kula ciyaari doono  kooxda Manchester United.

Kooxda reer Germany uu hogaaminayo macalinkooda cusub ee Niko Kovac ayaa waxay kulankan la ciyaari doonaan kooxda Red Devils 5-ta August ee soo aadan, wuxuuna kulankan ka dhici doonaa garoonka Allianz Arena.

Bayern Munich ayaa bilaabaneysa diyaar garowgeeda xilli ciyaareedka cusub 2-da July, waxayna u safri doontaa inta u dhexeysa July 23 ilaa July 30-keeda labo kulan ee saaxiibtinimo.

Kooxda reer Germany ayaa waxay kulamo saaxiibtinimo la ciyaari doontaa Juventus 25-ka July, halka sidoo kale Manchester City ay wajihi doono 28-ka isla bishaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close