Barcelona oo u diyaarineysa aduun dhan 200 milyan oo euros si ay u sameyso saxiixyada saddex xidig

(Barcelona)11 Juunyo 2018. Wargeyska “Don Balón” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Barcelona ay diyaarineyso aduun dhan 200 milyan oo euros suuqa kala iibsiga ee xagaaga, si ay u sameyso saxiixyada 3 xidig uu ugu horeeyo Antoine Griezmann.

Warar badan oo dhowaan soo baxayay ayaa sheegay in xiddiga reer France Antoine Griezmann uu u sheegay saaxiibadiis Atletico Madrid inuu sii joogayo kooxda caasimada Madrid.

Sida lagu shaaciyay website-ka rasmiga ah ee kooxda reer Catalonia In weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann ay ku bixin doonaan aduun dhan 100 milyan euro, kaasoo ah qiimaha lagu kansali karo heshiiska uu ku joogo garoonka Wanda Metropolitano

Wararka ayaa waxay sidoo kale tilmaameen in Barcelona ay isha ku heyso saxiixa difaaca kooxda Sevilla Clement Lenglet oo ku qiimeysan aduun dhan 38 milyan euro, iyo sid kale xidiga khadka dhexe kooxda Ajax Frenkie De Jong kaasoo isna ku qiimeysan 40 milyan euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close