Barcelona oo diyaarineysa qorsho cusub ay ku dooneyso inay kula soo saxiixato badalka Andres Iniesta

(Barcelona) 11 Juunyo 2018. Barcelona ayaa u muuqata mid ay iska cadahay siyaasadeeda suuqa kala iibsiga xagaaga, waxayna kooxda reer Catalonia si aad ah u dooneysaa xidig si wanaagsan kaga ciyaari kara khadka dhexe.

Blugarana ayaa u aragta nooca xidiga ay dooneyso inuu yahay xidiga khadka dhexe kooxda Tottenham Hotspur Christian Eriksen, kaasoo ay u aragto inuu yahay xalka booska ay ku biixin karto bixitaankii Andres Iniesta.

wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu sheegay in Barcelona ay qorsheeneyso in saxiixa Christian Eriksen ay u adeegsato xidigeeda sida amaahda ah ku joogo kooxda Inter Milan Rafinha Alcantara.

Tottenham Hotspur ayaa xiiseeneesay saxiixa Rafinha Alcantara oo haatan da’adiisu gaarsiisan tahay 25 jir tan iyo suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

Barcelona ayaana dooneysa inay kaga faa’ideysato arintan xiisaha Tottenham Hotspur ee ku aadan saxiia Rafinha Alcantara, waxayna dooneysaa inay soo qaadato Christian Eriksen, maadaama uu Ernesto Valverde u arko Eriksen inuu yahay badalka saxda ah ee Andres Iniesta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close