Argentina oo Daaha ka rogtay shaxda ay ku soo gali doonto Kulanka Koowaad ee Koobka Adduunka…(Aguero mise Higuain??)

(Russia) 11 Juunyo 2018. Xulka Argentina ayaa u muuqda kuwa soo bandhigay shaxda ay ku soo gali doonaan kulankooda furitaanka Koobka Adduunka ay ku wajihi doonaan xulka Iceland kaddib xiddigihii ay ku soo galeen tababarkii ay ku sameynayeen xeradooda Bronnitsy ee 25 mile u jirta Moscow.

Tababare Jorge Sampaoli ayaa weerarka ku soo bilaabay Lionel Messi, Angel Di Maria iyo Sergio Aguero.

Waxaa ka dambeeya oo lambar Toban ciyaaraya Maximiliano Meza ee u safta naadiga Independiente, waxaana ka sii dambeeya oo qadka dhexe dhammeystiraya xiddigaha khibrada badan ee Javier Mascherano iyo Lucas Biglia.

Daafaca dhexe waa isku wehlin doona xiddigaha Manchester City iyo Man United Nicolas Otamendi iyo Marcos Rojo halka garbaha daafaca ay ka dheeli doonaan Eduardo Silva ee u safta Benfica iyo Nicolas Tagliafico ee u ciyaara Ajax.

EEG SHAXDA:

 The team that Argentina trained with ahead of their opening World Cup match

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close