Xulka qaranka Masar uu hogaaminayo Mohamed Salah oo gaaray dalka Russia

(Masar) 10 Juunyo 2018. Xulka qaranka Masaru u hogaaminayo xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa gaaray dalka Russia, si uu halkaas kaga bilaawo diyaar garowgooda ugu dambeeya ay isugu diyaarinayaan koobka aduunka ee khamiista soo aadan furmi doono.

Masar ayaa isku diyaarinaya kulankooda ugu horeeya ay kaga daah furan doonaan Group A, xulka qaranka Uruguay Jimcaha soo aadan, ka hor inta aysan la ciyaarin Russia 19-ka bishan iyo Saudi Arabia ee ah 24-ka bishaan.

Safarka xulka qaranka Marsan ay ku gaareen dalka Russia ayaa waxaa ku wehliyay wafdi ka socda xiriirka kubada cagta Masar marka laga reebo kooxda ciyaartoyda iyo shaqaalaha farsamada, caafimaadka iyo maamulka.

Mohamed salah ayaa u xaqiijiyay dhawaan jamaahiirta xulka qaranka Masar inuu diyaar u yahay ka qeyb galkiisa koobka aduunka, kadib dhaawacii kasoo gaaray kulankii finalka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close