Xabi Alonso oo ka warbixyay xulka ugu cad cad ee ku guuleysan kara koobka aduunka 2018

(World Cup) 10 Juunyo 2018. Halyayga xulka qaranka Spain sidoo kale kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich Xabi Alonso ayaa maanta oo Axad wuxuu ka warbixiyay fikirkiisa kaga aadan xulka ugu cad cad eek u guuleysan kara koobka aduunka 2018.

Xidigii hore kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich Xabi Alonso ayaa wareysi uu bixiyay maanta waxaaa soo xigtay wargeyska “Sport Bild” ee dalka Germany kadib markii uu ka warbixiyay xulka uu u arko inuu koobka aduunka ku guuleysan karo.

“Spain waxay qeyb ka tahay xulalka ugu cad cad ee ku guuleysan kara koobka aduunka uma maleynayo ilaa iyo haatan inuu jiro xul iyaga ka fiican ee ka qeyb qaadanaya koobka aduunka”.

“Germany waa murashax kale sida ay Ila tahay, waxaana ay noqon doontaa mid cajiib ah hadii aysan gaarin wareega afar dhamaadka, sababtoo ah waa xulka difaacanaya tartankan, waxayna leeyihiin jiil cusub ee aad u wanaagsan”.

Xabi Alonso ayaa sheegay in Brazil, Argentina iyo France ay sidoo kale ka mid yihiin xulalka ugu cadcad eek u guuleysan kara koobka aduunka 2018”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close