Mbappé oo ka hadlay dhaawacii xalay kasoo gaaray kulankii saaxiibtinimo ee Mareykanka

(France) 10 Juunyo 2018. Kylian Mbappé ayaa ka hadlay dhaawaca kasoo gaaray kulankii saaxiibtinimo ay la yeesheen xulka qaranka Mareykanka ee ku kusoo idlaaday 1-1.

“Waxaan la kulmay dhaawac dhanka Jilibka ah, kadib markii aan ku dhacay dhulka, inta uu kulanka socday”.

“Laakiin ma ahan dhaawac halis ah, waxaan heli doonaa daryeel kahor koobka aduunka, wax walbana waa ay fiicnaan doonaan”.

Tababare Didier Deschamps ayay qasab ku noqotay inuu badalkiisa keensado Thomas Lemar kadib markii uu Kylian Mbappé uu awoodi waayay inuu sii wato ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close