Madaxwaynaha Kubbada Cagta Soomaaliya oo ka dagay Ruushka…(Ogoow shaqadiisa ku aadan Koobka Adduunka)+SAWIRRO

(Moscow) 10 Juunyo 2018. Madaxwaynaha xiriirka kubbada cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Ruushka oo afar maalmood kaddib ka furmi doono koobka adduunka.

Cabdiqani iyo xertiisa ayaa degi doona Hotelka caalamiga ah ee Crown Plaza halkaa oo hooy u ahaan doonta madaxda Xiriirada ciyaaraha oo idil.

Ujeedkaa uu halkaa u tagay iyo howsha uu Cabdiqani Saciid Carab ka qaban doono Koobka Adduunka ayaa ah in goor hore ay FIFA u magacowday Xubin muhiim ah oo ka tirsan Guddiga qaban qaabada ee dhacdada ugu wayn ciyaaraha adduunka.

Kabtankii Inter Milan iminkana ka mid ah maamulka sare ee kooxdaasi Javier Zanetti ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ay wada shaqeyn doonaan Cabdiqani maadaama uu isna yahay Xubin ka tirsan Guddiga qaban qaabada.

SAWIRRO:

Natiijada sawirka Crown Plaza Russia

gu
Waa Guddiga Qaban qaabada ay FIFA u Magacowday Koobka Adduunka oo uu ka mid yahay Cabdiqani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close