Leonardo Bonucci oo ka warbixiyay aragtidiisa ku aadan xulka ku guuleysan kara koobka aduunka 2018

(Milan) 10 Juunyo 2018. Kabtanka kooxda AC Milan Leonardo Bonucci ayaa wuxuu laabta u qaboojiyay jamaahiirta Rossoneri. Kadib markii uu ka hadlay mustaqbalkiisa.

Waxaa xiliyadii lasoo dhaafay shaki la galinayay mustaqbalka Kabtanka kooxda AC Milan Leonardo Bonucci, kadib markii la sheegay inuu ka dhaqaaqayo kooxda suuqa xagaaga.

Laakiin Leonardo Bonucci ayaa arintan beeniyay kadib markii uu sheegay: “Jamaahiirta Milan ma waxay ka wal walsan yihiin mustaqbalkeyga kooxda? wax dhibaato ah ma jiraan”.

“Aan isku dayno inaan ka gudbi karno arintan si aan u ilaawno, waxaan jeclaan lahaa inaan gadaal iska marino xaaladaha adag si aan u sameyno wax muhiim ah”.

Dhinaca kale Leonardo Bonucci ayaa wuxuu ka hadlay aragtidiisa ku aadan xulka ku guuleysan kara koobka duunka 2018, kaasoo khamiista ka furmi doono dalka Russia.

“Koobka aduunka 2018 waxaan filayaa in uu ku guuleysan doono xulka Argantina, inkastoo aysan si fiican u ciyaarin kulamadii dhawaanahan ay soo ciyaareen”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close