Joshua Kimmich oo fariin u diray Yaya Toure kadib weerarkii uu ku qaaday Pep Guardiola

(Bayern) 10 Juunyo 2018. Xidiga kooxda Bayern Munich Joshua Kimmich ayaa si xoogan u difaacay macalinkiisii hore reer Spain ee Pep Guardiola, kadib markii uu weeraray xidiga reer Ivory Coast ee Yaya Touré.

Pep Guardiola  ayaa sabab buuxa u ahaa in tayada iyo awooda Joshua Kimmich uu arko caalamka oo idil kadib markii uu siiyay fursad uu isku muujiyo.

“Weligay ma aan kala kulmin wax dhibaato ah Guardiola, wuxuu ahaa shaqsi cajiib ah, mar walbana aad ayuu inoo caawin jiray”.

“Ma rumeysan karo, wareysigii ay baahisay saxaafada, sababtoo ah waxaa kooxda nagula sugnaa ciyaartoy madaw ah, sida Douglas Costa iyo Jérôme Boateng, mana jirin wax dhibaato ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close