Ivan Rakitić oo iska diiday ku biirista kooxda Manchester United sababa la xiriira Jose Mourinho

(Barcelona) 10 Juunyo 2018. Xidiga khadka dhexe xulka qaranka Croatian iyo kooxda Barcelona Ivan Rakitić ayaa iska diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxda Manchester United, sababtoo ah ma uusan dooneyn inuu ka hoos ciyaaro Jose Mourinho, sida laga soo xigtay saxaafada Spain.

Warbaahinta Spain ayaa xaqiijisay inaysan jirin wax niyad ah ee ku aadan Xidiga khadka dhexe xulka qaranka Croatian si uu kaga dhaqaaqo kooxda Barcelona suuqa xagaaga.

Wargeyska “Diario Gol” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ivan Rakitić uusan dooneynin inuu ka dhaqaaqo garoonka Cump Nou xili ciyaareedka soo aadan, maadaama uu ku faraxsan yahay nolosha dalka Spain, tan iyo markii uu kooxda Sevilla kaga soo biiray dhigeeda reer Germany ee Schalke.

Dhawaan ayahay kadib markii uu wakiilka Ivan Rakitić beeniyay in xidiga uu dalaalka ka yahay uusan dooneynin inuu u dhaqaaqo kooxaha Premier League ee Manchester United iyo Manchester City, isagoo xaqiijiyay inuu kaliya diirada saarayo kooxdiisa Barcelon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close