Halyayga reer Brazil Gilberto Silva oo amaan ugu qubeeyay xidiga kooxda Real Madrid Casemiro

(Brazil) 10 Juunyo 2018. Xidigii hore khadka dhexe ee xulka qaranka Brazil Gilberto Silva ayaa amaanay xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Real Madrid Casemiro.

Brazil Gilberto ayaa u arka Casemiro inuu yahay kan ugu fiican aduunka booskiisa difaaca khadka dhexe xiligan la joogo.

“Aniga ahaan, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican, balse waa hadii uusan aahayn kan ugu fiican aduunka booska kubad burburinta khadka dhexe”.

“Si la mid ah Paulinho kaasoo inbadan xitaa weerartami kara, doorka  uu Casemiro ku leeyahay gudaha garoonka ayaa waxay xuriyad siineysaa Paulinho, waana arrin u wanaagsan Brazil”.

Intaas kadib 41 jirkaan wuxuu talo u jeediyay Casemiro “Waxaa muhiim ah inaad ku sugnaato goobtaada si aad u joojisid halista kooxda kale ee kusii jeeda ciyaartoyda kaa dambeeya”.

Sidoo kale Gilberto Silva ayaa wuxu ka hadlay fursada uu xulkiisa Brazil u heysto inuu ku guuleysto koobka duunka 2018 “Waxaan filayaa inay heystaan fursad aad u wanaagsan, laakiin sida qof walba ogyahay, ma fududa in lagu guuleysto Koobka Adduunka, dhammaan xulalka waxay leeyihiin rabitaan isku mid ah, si ay ugu guuleystaan tartankan’.

“Waqtigaan, waxaan qabaa in fursada Brazil ay tahay mid dhab ah, laakiin waa inaad si adag u shaqeysaa, taasina waa casharka aan bartay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close