Chiellini oo ka warbixiyay sida uu yahay dareenkiisa kadib ka tagistii Buffon ee kooxda Juventus

(Juventus) 10 Juunyo 2018.Daafaca kooxda Juventus Giorgio Chiellini ayaa shaaca ka qaaday sida uu u murugooday kadib bixitaankii Gianluigi Buffon.

Gianluigi Buffon ayaa go’aansaday inuu isaga dhaqaaqo kooxda reer Talyaani ee Juventus dhamaadka xili ciyaareedkii dhawaan lasoo gaba gabeeyay, waxaana haatan si xoogan lala xiriirinayaa u dhaqaaqista kooxda PSG.

Giorgio Chiellini ayaa u sheegay Football Italy “Hadda waxaan ku jirnaa nasasho iyo xasillooni, kadibna waxaan heleynaa sanad wanaagsan sida sanadihii aan soo dhaafnay, waan hubaa”.

“Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano tartamada xili kasta”.

“Hadda waxaan ahay kabtanka kooxda, laakiin waan sii weynaanayaa, taas ayaana run ah”

“Waan u xiisi doonaa Gianluigi Buffon iyo Alessandro Del Piero in badan, waa wax iska caadi ah

“Waxaan rajeyneynaa inaan ka tagno ciyaartoy sii wadi doona kooxda Juventus marka aan baxno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close