France oo Barbaro Gashay iyo Spain oo Guul cariiri ah gaartay Kulamada Saaxiibtimo ee la isugu Diyaarinayo Koobka Adduunka

( Russia ) 10 Juunyo 2018. Xulalka ugu cadcad koobka adduunka sanadkan ayaa gaaray natiijooyin liinta kulamadoodii u dambeyay ee isku luleynta.

Maalmo kaliya ayaa ka harsan bilaabashada cayaaraha adduunka inta badan wadanama ka qeyb galaya koobka ayaa soo gabagabeyay cayaaraha saaxiibtimo ay isku diyaarinayaan.

Qaranka France ayaa bareejo xili dambaa ka helay dhigiisa USA kulan ka dhacay Lyon, iyadoo goolka looga naxsaday qeybta hore dheesha waxaana hogaanka u dhiibay xulka Mareykanka laacibka Green daqiiqadii 44′.

Deschamps oo ay u caayareen safkiisa ugu adag ayaa goolka barbaraha la yimid daqiidaqii 78-aad markii uu shabaqa gaaray Kylian Mbappe.

Olivier Giroud ayaa laga saaray cayaarta markii ay isku dhaceen laacibka ay isku kooxda yihiin ee Matt Miazga.

Ugu dambeyn dheesha saaxiibtimo ayaa ku dhamaatay 1-1 iyadoo France ay u amba bixi doonto Russia waxayna kulankooda kowaad ee koobka adduunka ay la cayaari doonaan Australia.

Mbappe waves to fans as he encourages the team to try and push for a winner

Dhanka kale. xulkii 2010 ku guuleystay koobka adduunka ee Spain ayaa ku dhibtooday Tunisia oo ay guul cariiri ah ka gareen waqti dambe markii laacibka badalka kusoo galay ee  Iago Aspas uu dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 84-aad.

Xulka La Roja ayaa safkoodu ahaa mid aad u adag iyagoo fursada ugu horreysay ee cayaarta ay helaan markii lix daqiiqo qura ay ka harsaneed kulanka.

Spain ma aysan sameyn wax shuud ah ilaa daqiiqadii 65-aad markaas uu xiddigaha badalka ku yimid ee Diego Costa uu goolka Tunisia ku tuuray darbo.

Xulka qaarada Africa ee Tunisia ayaa sameyeen bandhig fiican kulamadoodii saaxiibtimo waxayna kulankooda kowaad ee koobka adduunka ay la cayaari doonaan England, halka Spain ay la kulmi doonaan cayaartooda u horeysay dhigooda Portugal.

Spain celebrate after Iago Aspas scored a late winner against Tunisia on Saturday night

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close